Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in galinkii dambe ee shalay uu haleelay cudurka COVID-19.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maalmihii ugu dambeeyay uu dhuun xanuun dareemayay, sidaas awgeedna uu rajeynayo inuu caafimaadi doono.
Qoraal uu soo dhigay barta Twittarka ayuu ku sheegay in isagoo ka qoomamoonayo uu dadkiisa ku wargelinayo in uu ku dhacay cudurka.
Mr. Obama, oo 60 sano jir ah, ayaa dhawaan ku laabtay magaalada Washington DC ee caasimadda dalka Mareykanka, ka dib markii uu inta badan wakhtigiisa ee xilliga qaboobaha kusoo qaatay gobolka Hawaii ee wadankaasi.
Waxaa uu dadweynaha Mareykanka xusuusiyay inay qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka Covid19, inkastoo kiisaska ay hoos u dhaceen.
I just tested positive for COVID. I’ve had a scratchy throat for a couple days, but am feeling fine otherwise. Michelle and I are grateful to be vaccinated and boosted, and she has tested negative.
It’s a reminder to get vaccinated if you haven’t already, even as cases go down.
— Barack Obama (@BarackObama) March 13, 2022