Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu hakiyay doorashada kuraasta harsan ee taalla magaalada Beledweyne sababo uu ku sheegay inay la xiriiraan amni iyo isqabqbasi ka dhexjira beelaha uu ka dhexeyo kuraasta aan wali doorashadooda la qabanin.
“Markaan helnay xoggo ku saabsan in la carqaladeyn rabo doorashada u asteysan inay dhacdo maanta, waxaan soo saaray go’aan ah in la hakiyo doorashada” ayaa warka qoraalka ah lagu sheegay.
Balse, wararka aan ka helayno magaalada Beledweyne waxay sheegayaan inuu jiro khilaaf u dhexeya Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed oo la sheegayo inuu salka ku haya ismaandhaaf ku saabsan kuraasta qaar in loo xiro musharrixiin gaar ah iyo in si furan loogu tartamo.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayay wararku sheegayaan inuu ku adkeysanayo in musharrixiin dhowr ah oo uu wato loo xiro kuraasta qaar, balse jufooyinka iska leh kuraasta ayay xogta aan helayno sheegaysaa inay diidanyihiin isku deygaas.
Kuraasta taalla magaalada Beledweyne ayaa u muuqda kuwa loolankoodu aad u adagyahay, madaama jufooyinka leh kuraasta iyo musharrixiinta ay yihiin kuwo aad u hubeysan, midaas oo keentay inay adkaato in kuraasta qaar loo xiro musharrixiin gaar ah.
Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay maalin ka harsantahay waqtigii Golaha Wadatashiga Qaran ee ay ku mideysanyihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay u qabteen dhameynta doorashada xubnaha baarlamaanka oo ku eeg maalinimada berri ee 15-ka Maarso.
Lama ogo in qoraalka lagu hakinayo doorashada ee ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu horseedi doono baaqashada doorashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP-135, HOP-063 HOP-011, iyo HOP-004, oo lagu wado inay maanta oo Isniin ah ku qabsoonto Beledweyne.
Home Wararka Soomaaliya Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo sheegay inuu hakiyay doorashada kuraasta wali harsan ee...