DHAGEYSO:William Ruto oo mar kale dhaliilay heshiiskii Uhuru iyo Raila

0
403

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee isbeheysiga Kenya Kwanza ee kala ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ayaa maanta ololahooda geeyay deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo dadweynaha kula hadlay aagga Gachororo ee deegaankaasi ayaa sheegay in heshiiskii madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ee sanadkii 2018-kii aanan looga gol-lahayn mideynta shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in heshiiskaasi uu ahaa mid ku qotoma qorsho siyaasadeed oo ku aaddan doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in codbixiyeyaasha Kenyaanka ah ay leeyihiin go’aanka ugu dambeeya ee ciida qabanaysa hoggaanka wadanka sidaas awgeedna aan loo far-fiiqi karin musharraxa madaxweyne ee ay taageerayaan.