Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay inay wadaan qiimeyn ku saabsan xaaladaha cudurka COVID-19 ee dalka si maalmaha nagu soo aaddan dib u eegis loogu sameeyo tallaabooyinka ay dowladda dhexe ku xakameynayso faafitaanka caabuqa corona.
Kagwe ayaa arrintan u aaneyay inay hoos u dhaceen kiisaska maalinlaha ee cudurka.
Shalay ayay ahayd markii gudaha wadanka laga diiwaangeliyay xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19 oo gaaraya 14 tani oo tirada guud ee kiisaska corona ee Kenya ka dhigtay 323,129.
Wasiirka caafimaadka ee dalka ayaa dhanka kale sheegay inuu jiro hoos u dhac ku saabsan isticmaalka maaskarada ee goobaha dadweynaha.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in aynan kenyaanka sidii hore u ilaalin nidaamka kala fogaanshaha oo ah in labada qof ee isugu dhow ay u dhexeyso ilaa 1.5 mitir.