Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar oo xilkan hayay tan iyo 18-kii bishii shanaad ee sanadkii hore ayaa sheegay inuu xafiiska banneynayo si uu maanta ula wareego Maxamad Cabdi Maxamuud oo horay xilka qaadis loogu sameeyay balse ay maxkamaddu dib u soo celisay.
Waxaa uu sheegay in maadaama Kenya uu ka jiro xeer xoojinaya dimuqraadiyadda uu ku qasban yahay inuu u hoggaansamo amarka maxkamadda.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamaddu aysan tixgelin codsi uu gudbiyay oo uu ku doonayay in loogu oggolaado inuu shacabka u sii adeego.
Waxaa uu u mahadceliyay dhammaan howlwadeenadii la shaqeynayay intii uu ahaa barasaabka dowlad deegaanka Wajeer isagoo ka codsaday inay si la mid ah u soo dhaweeyaan oo ayna ula shaqeeyaan Maxamad Cabdi Maxamuud oo uu horay ku xigeen u ahaa.