SAWIRO:Hoggaamiyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo Muqdisho kulamo ka wada

0
503

Madaxweynaha Mamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Muqdisho ayaa xalay Hooygooda uu ku booqday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen mas’uuliyiintaan ayaa ahaa mid ku qotomay kala warqaadasho xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo sidii loo maareyn lahaa Marxaladda kala guurka ah ee xilligaan dalku marayo.
Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu ka dalbaday Madaxweynaashii hore iyo ra’iisul Wasaare hore in xaalada la dejiyo, isla markaana sigaar ah looga wada hadlo shaqaaqooyinkii maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud, iyagoo yeshay kulan gar ah oo ay uga hadleen arrimo dhowr ah.
Wararka kulanka laga helayo ayaa sheegaya in labada mas’uul ay ka wada hadleen Arimaha Doorshooyinka dalka ee uu weli muranka ka taagan yahay & iyo Dajinta Xaaladaha dhashay rabshadii ka dhacay muqdisho.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa la sheegay in uu bilaabay doorkiisa ku aadan dhex-dhexaadinta xaalada taagan iyo sidii looga gudbi laha, iyadoo ay xusid mudan tahay in Musharixiinta ay maanta ku dhawaaqeen banaanbaxyo kale.
Maalmo ka hor waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay shaqaaqooyin salka ku haayay dibadbax ay doonayeen inay dhigaan xubnaha midowga Musharixiinta, hayeeshee Ciidamada dowladda ay rasaas ku kala eryeen, sidoo kalena Habeen ka hor uu dagaal ka dhacay agagaarka Daljirka Daahsoon oo banaanbaxa la doonayay in lagu qabto.