Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dowladda Kuuriyada Koonfureed ku bogaadiyay sidoo kalena uga mahadceliyay inay ku soo biirtay dalalka xayiraadaha maaliyadeed ku soo rogay Ruushka.
Xafiiska madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa sheegay inay soo gaartay warqad mahadnaq ah oo uga timid Biden.
Waxaa qoraalka ku xusan in cunaqabateynta dhaqaale iyo xannibaadda badeecooyinka uu dibadda u dhoofiyo Ruushka ay tahay taageero lagu garab istaagayo dalka Ukraine.
Joe Biden ayaa xusay in tani at farriin adag u direyso xukuumadda Moscow si ay mustaqbalka uga fiirsato duullaan militari oo la mid ah kan ay ku qaadday Ukraine.