Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiisyo ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo horumarinta

0
357

Safiirka dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya Xasan Bin Xamza ayaa bogaadiyay xiriirka adag ee ka dhexeya dowladaha Qatar iyo Soomaaliya.
Xilli uu safiirka oo u warramayay Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA, ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ee dalka Qatar uu qayb ka qaadan doono sii xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan leh.
Safiirka ayaa sheegay in ay labada dal kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu horreeyaan dhanka waxbarashada, maalgashiga, kahortagga lunsiga dhaqaale, canshuuraha, arrimaha siyaasadda iyo qaybta duulista rayidka ah.
Waxaa uu sheegay in dowladda Qatar ay hadda ku howlan tahay dhameystirka Mashruuca Waddada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo dhererkeedu dhan yahay 90km.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here