Guddoomiye xaafadeed lix bilood ka hor laga afduubtay Mandera oo xurriyaddiisa dib u helay

0
765

Guddoomiye xaafadeed oo koox looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ka afduubteen deegaanka Lafey ee ismaamulka Mandera ayaa xurriyaddiisa dib u helay ka dib markii shakhsiyaadkii qafaashay ay soo siidaayeen.
Booliska ayaa laga soo xigtay in guddoomiye xaafadeedka oo lagu magacaabo Maxamad Buulle lagu arkay ismaamulka Lamu, oo u jirta ku dhawaad masaafo dhan 700 oo kiilomitir dowlad deegaanka Mandera.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in lala siidaayay soddoggiis oo sidoo kale la afduubtay laba toddobaad ka dib markii isaga la waayay.
Labada qof oo xorriyadooda maanta dib u helay ayaa loo soo duuliyay caasimadda dalka ee Nairobi si daryeel caafimaad u helaan sidoo kale baaritaan lagu sameeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here