William Ruto oo sheegay in uu aqbali doono natiijada doorashada guud

0
601

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa u sheegay Kenyaanka qurbaha ku nool in haddii si caddaalad ah looga guulaysto doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu diyaar u yahay inuu aqbalo natiijada codeynta.
Dr. Ruto ayaa sidoo kale ugu baaqay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee higsiga mideynta ee Azimio La Umoja inay aqbalaan natiijada doorashada.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in dadka Kenyaanka ah ee qurbaha ku nool ay mudan yihiin in fiiro gaar ah loo yeesho islamarkaana si wanaagsan loogu adeego.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa xusay in Kenyaanka ku nool qurbaha ay kaalin ku leeyihiin horumarka dhaqaalaha ee wadanka.
Waxaa uu sheegay in haddii isbeheysiga Kenya Kwanza ay soo dhisaan dowladda soo socota, ay wax ka qaban doonaan arrimaha saameeya qurba joogta Kenyaanka.
William Ruto ayaa hadalkan ka sheegay gobolka Maryland ee dalka Mareykanka.
Qoraal iyo sawirro ay ku weheliyaan madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi , madaxa ololihiisa siyaasadeed ee arrimaha dibadda Ababu Namwamba, xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale iyo barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayuu Ruto soo dhigay baraha bulshada.

 

Hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee u hor kacaya ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa safarkooda sidoo kale waxaa qayb ka ah in ay socdaal ku maraan dalka Ingiriiska.