Waxaa lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee ismaamulka Homa Bay ay shaqo joojin sameeyeen iyagoo ka cabanaya musharaad ka soo dib dhacay.
Saraakiishan ayaa u badan kuwa ka shaqeeya nadaafadda magaalada
Homa Bay waxayna cabasho ka muujiyeen in maamulka ay hoos tagaan uunan marar badan mushaarkooda bixin xilliga habboon.
Howlwadeenada gadoodsan ayay tiradoodu kor u dhaafaysa 100 waxayna ka tirsan yihiin waaxda deegaanka iyo biyaha ee ismaamulkaasi.
Shaqaalaha oo uu hor kacaya guddoomiyahooda Thomas Mwai ayaa ku doodaya in aynan mushaar qaadan muddo toddobo bilood ah sidaas awgeedna ay dowladda ismaamulka Homa Bay uga dalbanayaan inay si degdeg ah u siiso lacagaha ka maqan.
Waxay wacad ku mareen in haddii tabashooyinkooda aan wax laga qaban ay isbuuca soo socdo guda galayaan tallaabo sharciyeed oo ka dhan ah maamulkaasi.
Hasa ahaate sarkaalka ugu sarreeya waaxda adeegyada biyaha iyo maareynta arrimaha deegaanka ee Homa Bay, Moses Buriri ayaa howlwadeenada u xaqiijiyay inay musharaadkooda heli doonaan maalinka Talaadada ee toddobaadka soo socdo.