Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xil cusub u magacaabay Agaasimihii hore ee Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano oo uu horay xilka qaadis ugu sameeyay, ayna tallaabadaas ka dhalatay xiisad isku beddeshay dagaal.
Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Deni wax yar ka hor aadaanka hore ee Salaadda subax ee saaka ayaa waxaa uu Maxamuud Cismaan Diyaano ugu magacaabay inuu noqdo Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa /Guuto Maxamad Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr u magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces), iyadoona magaca laga beddelay PSF, lagana dhigay PISF.
Xiisad ayaa ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay kal hore Agaasimihii Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, waxaana xiisadda markii dambe isku beddeshay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.
Hoos ka akhriso wareegtada uu soo saaray madaxweyne Deni.
Madaxweynaha Dowladda #Puntland Mudane @SaidAbdullahiDe soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-#Thread https://t.co/mo5SFkSQ9B pic.twitter.com/LE3qssuHAw
— Puntland State House (@Plstatehouse) March 4, 2022