Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeeda qalabka sida ee duullaanka ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine ay qabsadeen magaalada Kherson ee koonfurta wadankaasi.
Waxaa sidatan laga soo xigtay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee RIA Novosti ee ay dowladdu Ruushka maamusho.
Hasa ahaate maamullada ammaanka ee Ukraine ayaa beeninaya sheegashada Ruushka ee ah inuu la wareegay magaalada Kherson .
Haddii arrintan la xaqiijiyo, waxay noqonaysaa magaaladii ugu weyneyd ee ay qabsadaan ciidamada Ruushka tan iyo markii Moscow ay duullaanka ku qaadday wadankaasi Khamiistii la soo dhaafay.