Ciidamada difaaca oo baaraya 12 tuhmanayaal ah

0
528

Waaxda ciidamada difaaca dalka ee KDF ayaa haDda baareysa 12 tuhmane oo ku lug yeeshay dhaqan xumo intii lagu guda jiray qorista ciidamo cusub oo la bilaabay labo toddobaad ka hor.
Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca ee dalka Levi Mgalu ayaa sheegay in laba iyo tobanka qof ay isugu jiraan rayid iyo saraakiil ciidan.
Waxaa u sheegay in dacwad lagu qaadi doono marka ay soo idlaadaan baaritaanada lagu hayo.
Dhanka kale ciidamada difaaca ayaa uga digtay Kenyaanka in dad isku sheegaya inay yihiin saraakiil ciidan ay si musuqmaasuq ah ugu qoraan dhallinyarada doonaysa inay ka mid noqdaan ciidamada dalka.
Taliye kuxigeenka ciidanka difaaca ayaa sidoo kale sheegay in si looga hortago musuqmaasuqa la doonayo in laga wacyigaliyo bulshada.
Kormerayaal ayaa loo xil saaray si ay guud ahaan dalka uga soo indha-indheeyaan habka qorista ciidamada KDF-ta.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa gacanta lagu dhigay dad lagu eedeeyay inay si musuqmaasuq ah isugu qorayeen ciidamada.