Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in ugu yaraan 64 qof oo rayid ah lagu dilay dagaalka dowladaha Ruushka iyo Ukraine.
Waxay qaramada midoobay hoosta ka xarriiqday in tirada dadka ee ay waxyeelladu soo gaartay ay tahay 240 qof.
Khamiistii la soo dhaafay ayay ahayd markii dowladda Ruushka ay Ukraine ku qaadday duullaan dhanka cirka, dhulka iyo badda ah.
Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda arrimaha xuquuqul aadanaha ee (OCHA) ayaa laga soo xigtay in burburka la gaarsiiyay kaabayaasha dalkaasi ay boqolaal kun oo shacab ah u horseedday inaysan helin adeegyada biyaha iyo korontada.
Saameynta ugu badan ayaa laga soo tabiyay waqooyiga , bariga iyo koonfurta Ukraine oo laga cabsi qabo xaalad baniaadannimo oo aad u daran.