Ruto: Madaxweynaha wuxuu xor u yahay inuu adeegsado xuquuqdiisa dimuqraadiyadeed

0
480

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu xor u yahay in uu adeegsado xuquuqdiisa dimuqraadiyadeed.
William Ruto ayaa dhanka kale ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka uga digay inuu go’aanka madaxweynaha uu isticmaalo in doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan ay noqoto tartan ka dhexeya William Ruto iyo Uhuru Kenyatta.

William Ruto oo hadalkan ka jeediyay xilli uu shalay ololihiisa uu ku doonaya xilka madaxtinimo ee dalka geeyay ismaamulka Kitui ayaa dhanka kale ka codsaday hoggaamiyaha xisbiga ODM inuu joojiyo inuu gabaad ka dhigto madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Arbacadii ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha dalka oo ismaamulka Nyeri kula kulmay madaxda gobolka bartamaha wadanka uu ka codsaday inay taageeraan musharraxnimada madaxa xisbiga ODM Mr. Odinga.