Hay’adda laanqayrta cas oo Busia ku qabanaysa barnaamijyo ku saabsan maaraynta musiibooyinka

0
569

Hay’adda laanqayrta cas laanteeda Kenya ayaa la filaya inay ismaamulka Busia ee galbeedka wadanka ka billowdo barnaamijyo looga gol-leeyahay in dadweynaha lagu fahansiiyo sida ay u diyaar garoobi karaan ka hor inta aynan deegaanooda ku dhufan daadad.
Waxaa arrinkan shalay shaaca ka qaaday Pater Murgor oo ah sarkaal hay’adda u qaabilsan la tacaalidda musiibooyinka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay soo bandhigi doonaan qorshayaal shacabka ku fududeyn karo inay ka badbaadaan fatahaadaha ka dhasho roobabka culus sida inay xilli hore u guuraan meelaha jooggoodu sarreeyo.