Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in laga dilay 137 qof

0
299

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in duqeymaha uu fuliyay Ruushka ay ku dhinteen 137 qof oo isugu jiro muwaadiniinta wadankaasi iyo saraakiil militari.
Hoggaamiyaha Ukraine ayaa shakhsiyaadka ku nafwaayay weerarrada xukuumadda Moscow ku tilmaamay halyeeyo.
Sidoo kale waxaa uu xusay in la dhaawacay 316 qof oo dheeraad ah.
Mas’uulkan ayaa ciidamada dowladda Ruushka ku eedeyay inay dilayaan dad shacab ah sidoo kalena magaalooyin nabad ahaa ay u beddeleen bartilmaameedsi militari taasoo uu wacad ku maray in aan marnaba laga cafin doonin.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ukraine Dmytro Kuleba ayaa dhankiisa si kulul u cambaareeyay duqeymo culus oo ay dowladda Ruushka ku bartilmaameedsatay caasimadda wadankaasi ee Kyiv.
Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ayuu ku sheegay in tallaabada ay xukuumadda Moscow qaadday ay tahay mid aad looga argagaxo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in markii ugu dambeeyay ee magaala madaxda Ukraine weerar noocani ah lagu qaado ay ahayd 1941-dii xilligaasi oo uu Jarmalku duqeeyay.