Kalonzo Musyoka oo soo jeediyay in la taageero isbaysiga ay sameynayaan

0
642

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in isbahaysiga cusub ay ugu magac dareen isbahaysiga xurmeysan ay ka go’aan tahay inuu xilka hoggaanka kala wareego madaxweyne dalka Mr. Uhuru Kenyatta sanadka 2022-ka.
Isbahaysigan aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin balse lagu dhawaaqay inuu wada shaqeyn ku saleysan yahay ayaa waxaa ku midoobay madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi, dhigiisa KANU Gideon Moi, hoggaamiya xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo madaxa xisbiga FORD -Kenya Moses Wetangula.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in marka wakhtiga saxda la gaaro in dalka uu yeelan doono hoggaamiye u horseeda umadda Kenyaanka nabad iyo barwaaqo.
Mr. Kalonzo ayaa dhanka xusay inay ka aragagaxsan yihiin siyaasadda gaari gacanka ee ka dhan ah kuwa saboolka iyo hodanka islamarkaana uu dalka ka wado ku xigeenka madaxweyanaha dalka William Ruto taas oo uu sheegay inuu ku soo jiidan doono hoggaamiyeyaal badan.
Madaxa xisibiga Wiper ayaa sidoo kale sheegay in isbahaysigoodu ay ka go’an tahay inay dalkan ka badbaadiyaan halista ah in la doorto hoggaamiyeyaal aan la aamini karin oo hadafkoodu yahay oo keliya inay dhacaan hantida qaranka.
Waxaa uu ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto kula taliyay inuu taageero hindisaha sharci beddelka ee BBI.
Kalonzo ayaa hadalkaan jeediyay xilli u martigaliyay wakiilo dhan 137 oo ka kala yimid dowlad deegaanada Kitui, Machakos iyo Makueni oo ay hoggaaminayeen guddoomiyayaashooda golayaasha hoose ee ismaamulladan.
Waxaa uu ugu baaqay inay ansaxiyaan hindisaha sharci beddelka ee guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI oo haatan golayaasha ismaamullada hor yaala.
Dhanka kale guddoomiyaha ismaamulka Kitui Charity Ngilu ayaa u hambalyeysay kuna dhiiri galisay Kalonzo isbahaysiga cusub ee ay isaga iyo madaxda xisbiyada kale sameysteen .
Waxaa ay sheegtay in isbahaysigu uu yahay waxa ugu fiican wadanka iyada oo intaa ku dartay in ay ku qanacsan tahay in lagu soo dhisi doono maamulka dowladeed ee xiga.