DHAGEYSO:C/raxmaan C/shakuur oo madaxda maamullada ugu baaqay inay ka hadlaan xaaladda Muqdisho

0
698

Musharraxa madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur ayaa madaxda maamullada iyo gobolka Banaadir ugu baaqay inay ka hadlaan xaaladda ay hadda wajahayso magaalada Muqdisho,wuxuuna Ciidamada dowladda ugu baaqay inaysan qayb ka noqon dagaal ka dhaca dalka Soomaaliya.

C/kariim Xuseen guuleed Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa Waddo halis badan oo dalka Soomaaliya u bilaabatay ku tilmaamay wixii Muqdisho ka dhacay Xalay iyo Maanta,wuxuuna ku eedeeyay beesha Caalamka inay Madaxweynaha Farmajao raali uga yihiin waxyaabaha dhacaya

Bannaan bax ay ka soo bilaabeen dhanka Hotelka Jazeera oo ay horkacayeen Musharaxiinta kala ah C/kariim Guuleed, Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ayaa rasaas ku bilaabatay markii ay ku soo dhowaadeen agagaarka Isgoyska KM4 ee dagaandaga agroonka diyaarahda,Kala carar ayaa durba goobta ka bilowday.
Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4 ayaa waxaa ku sugan Ciidan fara badan, iyadoo rasaas laga maqlayay halkaas, waxaana goor sii horeysay wadadaas oo bannaan socod ah ku marayay qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta oo Ilaaladooda iyo Ciidamada dowladda ay israsaasayn dhexmartay.