Madaxweynah dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu la kulmo madaxda xisbiga Jubilee ee gobolka bartamaha dalka iyo xisbiyada kale ee xiriirka la leh si ay u xoojiyaan taageerada higsiga mideynta ee Azimio La Umoja islamarkaana uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Kulanka oo loogu magacdaray Sagana 3 ayaa maanta ka dhacaya madaxtooyada yar ee Sagana State Lodge ee ismaamulka Nyeri.
Waxaan kulankan lagu soo bandhigi doonaa sababaha uu madaxweynaha dalka u taageeraya hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ee doorashada guud bisha sideedaad ee sanadkan iyo sababta isu khilaafeen ku xigeenkiisa William Ruto.
Sidoo kale shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo oo doorashada guud ay inaga xigto 166 cisho iyo wax ka yar 48 saacadood, ka hor inta uunan maanta qabsoomin kulanka ergada xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ee gobolka Mt.Kenya.
Hoggamiyayaasha siyaasadeed ee xulafada la ah madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in kulankan uu hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka fursad u siinayo inuu faahfaahiyo sababaha ay u kala aragti duwan yihiin isaga iyo ku xigeenkiisa ka dib lix sano oo ay si toos ah u wada shaqeynayeen.
Waxaa uu sidoo kale qeexi doona sida uu ula saaxiibay ninka ay siyaasadda aad ugu xilfaltamayeen ahna hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga una arko inuu yahay shakhsiga mudan inuu kala wareegi doono hoggaanka ugu sarreeyo ee dalka.
Iyadoo kulanka Sagana loo arko mid waxyaaba badan daaha looga rogi doono, siyaasiyinta xulafada la ah madaxweyne ku xigenka William Ruto ayaa doonayaan in dhammaan bannaanka la keno arrimahaas.
Xubnaha dhaliilsan madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka doonaya inuu faraha kala baxo doorashada bisha siddeedaad ee sanadkan una daayo Kenyaanka inay doortaan shakhsiga ay doonayaan islamarkanaa aan loo far fiiqin gaar ahaan dadweynaha gobolka bartamaha dalka
Waxaa dhanka kale lagu soo warramayaa in wakhti xaadirkaan ay kumanaan qof kusii qulqulayaan madaxtooyada yar ee Sagana State Lodge ee ismaamulka Nyeri.