DHAGEYSO:Taliyaha Asluubta “Markii lagu mashquulay siyaasadda, Al-Shabaab waxay kordhiyeen weerarradooda”

0
382

Taliyaha ciidanka Asluubta dalka Soomaaliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in markii lagu mashquulay siyaasadda iyo doorashada ay kordhisay weerarradeeda Al-Shabaab.
Xilli uu ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 52-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidamadaas ayaa ka hadlay ammaanka guud ee dalka Soomaaliya iyo weerarrada Al-Shabaab.
“Xoogaa waxaad moodaa siyaasadda xageeda iyo doorashada markii loo jeestay ayaguna waa naga soo daba jeesteen cadowga dalka waxaad moodaa inay shaqadooda kordhiyeen,” ayuu yiri taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Dhanka kale taliyaha ayaa faray ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo inay u diyaar garoobaan ka hor tagga weerarrada Al-Shabaab iyo sugidda amniga guud ee wadankaasi.

Audio Player