Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hor yimid go’aankii guddiga doorashada heer Fedaraal ay ku hakiyeen natiijada doorashada kuraasta kala ah HOP 103 iyo HOP154.
Waxaa uu guddiga soo bandhigay warqad uu ku saxiixan yahay guddoomiyahii hore ee guddiga doorashada heer Fedaraal Maxamad Xasan Cirro, taasoo soo baxday 17-kii bishii 12-aad ee sanadkii lasoo dhaafay, islamarkaana caddeyneysay in kursiga HOP 103 doorashadiisa ansax yahay.
Guddigaan ayaa ku doodaya in xilligaas la fasaxay oo ay maanta suurtagal ahayn in dib loogu laabto oo dood cusub la geliyo sida uu ku doodayaan guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed.
“Kursiga HOP 103 horaa loo fasaxay, HOP 154 cid ka dacwooneysa lama haayo, Guddiga FEIT ha ka shaqeeyo danaha ummadda, doorashada carqaladda halaga daayo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay SEIT Koonfur Galbeed.
Hadalkaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa imaanaya, saacado ka dib markii uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf uu shaaciyay in la hakiyay natiijada doorashada kuraasta kala ah HOP 086, HOP 103, HOP 154.
Home Wararka Soomaaliya Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo ka hor yimid go’aankii kasoo baxay guddoonka...