Doorashada labada aqal ee Soomaaliya ee gobolladda waqooyi oo la soo gabagabeeyay

0
411

Waxaa maanta la doortay saddexdii xildhibaan ee ugu dambeeyay doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.
Doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa qaadatay saddex billood iyo 20 cisho.
46 xildhibaan ayaa la doortay kuwaas oo Gobollada Waqooyi ku matali doona Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
23 xildhibaan ayaa ku cusub Baarlamaanka, halka 23 kale ay horay uga tirsanaayeen golaha.
13 ka mid ah xildhibaannadaan ayaa dumar ah.
Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Gobollada Waqooyi ayaa noqonaya Guddigii ugu horreeyay ee soo gabagabeeya doorashada xildhibaannada ee Gobollada, ka hor wakhtiga loo qabtay in doorashada aqalka hoose lagu soo gabagabeeyo oo ah 25 ka bishan.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa ka qayb galay gabogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka Soomaaliya ku matalaya Gobollada Woqooyi, waxaa uuna u hambalyeeyay xildhibaannada cusub ee manta la doortay.