Maxkamadda oo sharci darro ku tilmaantay xilka qaadistii madaxa diiwaangelinta garsoorka

0
426

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday tallaabo sanadkii 2013-kii guddiga adeegga garsoorka ee JSC uu shaqada uga eryay Gladys Shollei oo xilligaas ahayd madaxa waaxda diiwaangelinta ee cadaaladda.
Shollei ayaa xilka laga xayuubiyay bishii Tobnaad ee 2013-kii ka dib markii lagu eedeyay inay ku takriifashay lacag dhan 2.2 bilyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa lagu eedeyay inay si aan habbooneyn u maamushay maaliyadda waaxda garsoorka , habdhaqan xumo dhanka shaqada ah iyo carqaladeyn.
Hasa ahaate waxay shalay maxkamaddu go’aamisay in tallaabadii shaqada looga eryay Shollei ay ahayd mid ku xadgudubtay xaqa ay u leedahay caddaalad dhanka maamulka ah.
Waxay maxkamaddu arrintan u aaneysay maadaama guddiga adeegga garsoorka ee JSC uu soo bandhigay eedeymo gaaraya 87 oo haweeneydan ka dhan ahaa inuu dhanka kale ku fashilmay caddeynta sababta rasmiga ee keentay in xilka laga qaado Shollei oo hadda ah wakiilka haweenka ee ismaamulka Uasin Gishu.
Bayaanka maxkamadda waxaa ku xusan in guddiga JSC ay ahayd inuu ugu yaraan qaab qoraal ah ku caddeeyo sababaha uu u cuskaday go’aankiisa maadaama uu shaaciyay dhaliilaha.
Sidoo kale JSC ayaa lagu helay khalad ah inuu hor istaagay xaqa ay eedeysanaha u lahayd inay hesho macluumaad muhiim ah ka dib markii loo diiday inay gacanta ku dhigto dokumeentiyada qaar oo ay iskaga difaaci lahayd waxyaabaha loo haystay xilligaasi.
Hasa ahaate waxaa dhinac la iskaga dhigay cabasho ay Shollei soo gudbisay oo ahayd in aan la siin wakhti ku filan oo ay iskaga difaacdo eedeymaha loo jeediyay.
Waxay maxkamaddu caddeysay in 39 cisho oo loo qabtay ay ahayd muddo aad ugu filan oo ay uga jawaabi kartay dhaliilaha ka dhanka ahaa.
Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa ugu dambeyn go’aamisay in dacwaddan loo gudbiyo maxkamadda qaabilsan dhageysiga kiisaska shaqada iyo shaqaalaha si loo jaangooyo lacagta magdhowga ah ee la siinayo Gladys Shollei maadaama ay caddaatay in JSC ay ku xadgudubtay xuquuqdeeda.