Waxaa lagu soo warramayaa in kooxo gooni u goosad ah oo gacansaar la leh dowladda Ruushka, islamarkaana ku sugan bariga dalka Ukraine sheegeen in 24-kii saac ee la soo dhaafay weerar lagu soo qaaday dhul ay maamuallaan.
Waxaa ay weerarkan ku eedeeyeen ciidamada dowladda ee Ukraine.
Kooxdan ayaa dhanka kale sheegtay inay wadaan baaritaanno ay doonayaan inay ku ogaadaan in weerarka dad looga dilay ama lagu dhaawacay.
Milateriga dalka Ukraine ayaa dhanka kale iska fogeeyay eedeynta kooxaha gooni u goosadka ee ku sugan bariga dalkaasi.
Hasa ahaate ciidamada militeriga ee Ukraine ayaa ku doodaya in ayaga la soo duqeeyay.
Waxaana ilaa iyo hadda jirin wax jawaab ah oo ka soo baxay ururka iskaashiga iyo ammaanka Yurub oo magaciisa loo soo gaabiyo OSCE, kuwaas oo u kuurgalayay xaaladda bariga Ukraine, balse maalmihii ugu dambeeyay kormeerayaashooda goobahaasi kala baxay.
Kooxaha gooni u goosodka ee Ukraine ee uu Ruushka taageero ayaa sanadkii 2014-kii qabsaday dhul badan oo ku yaalla bariga dalka Ukraine, waxa ayna haatan sii hurin kartaa xiisadda u dhexeysa Ruushka iyo dowladaha reer galbeedka.
Dhacdooyinka noocaan ee laga soo tabiyay bariga Ukraine ayaa marar badan dhacay 8-dii sano ee lasoo dhaafay, balse iska hor imaadkan ayaa imaanaya ka dib markii Ruushka uu in ka badan 100,000 oo ciidamo ah geeyay meel u dhow xadka uu la wadaago Ukraine.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo dowladhaha reer galbeedka ay ugu hanjabeen Ruushka inay cunaqabatayn hor leh ku soo rogi doonaan haddii uu weerarro Ukraine, in kastoo horraan uu u beeniyay inuu duullaan qorsheynayo.