DHAGEYSO:Booliska Isiolo oo baaraya dil loo gaystay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka

0
333

Ciidamada booliska ee ismaamulka Isiolo ayaa baaritaano ku haya meydka mid ka mid ahaa wadayaasha mootooyinka oo xalay la helay.
Dadweynaha ku nool xaafadda Bula Pesa ee Isiolo ayay dhacdadan walaac ku beertay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka qofkan lagu arkay dhaawacyo culus in kastoo ilaa iyo hadda ay caddeyn qaabka loo dilay.
Dadweynaha ayaa laamaha ammaanka ka dalbaday inay amniga sugaan maadaama ay xaafadaasi horay uga dhaceen falal amni darro.