Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa Maanta ka socota Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ahna Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Doorashada kuraasta qaar ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa la doortay, waxaana kuraasta la doortay ku jira kursiga tirsigiisu yahay #HOP145 oo sanadihii lasoo dhaafay uu ku fadhiyay Guddoomiye ku-xigeenkii 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Kursiga #HOP145 ayaa waxaa ku guuleystay oo kusoo baxay Maxamad Cabdalla Axmad oo helay Codad gaaraya 76 Cod, halka Musharraxii kale ee la tartamayay Cabdullaahi Axmad Cabdi uu isna helay 12 Cod, waxaana doorashada ka halaawday 2 Cod.
Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey oo ahaa ku xigeenkii 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad ayaa ku fadhiyay kursiga #HOP145, isagoona dhawaan loo diiday inuu aado Magaalada Baraawe, si uu ugu tartamo kursigiisa, laguna celiyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka la doortay ee Maxamad Cabdalla ayaa la sheegay inuu ku dhashay deegaan ka tirsan ismaamulka Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaa la sheegaa inuu haysto dhalashada dalka Australia, wuxuuna beddeli doonaa Cabdiweli Muudey.
Home Wararka Soomaaliya Yaa kusoo baxay kursigii golaha shacabka ee uu ku fadhiyay Cabdiweli Muudey?