Wasiirkii hore ee wasaaradda dowlad wadaajinta Charles Keter ayaa sheegay in waxqabadka golihii wasiirrada ee uu ka tirsanaa aynan saameyn ka soo gaarin heshiiskii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ayuu Keter ku xusay in heshiiskaasi uu ka dhexeyay labo qof keliya.
Charles Keter ayaa maalmo ka hor iska casilay xilkiisu wasiirnimo si uu bisha siddeedaad ee sanadkan ugu tartamo jagada barasaabka ismaamulka Kericho.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu marar badan sheegay in is afgaradkii Uhuru iyo Raila uu hakad geliyay hirgelinta qorshayaashii horumarineed ee maamulka Jubilee ka dib markii sida uu hadalka u dhigay lagu mashquulayo barnaamijyo uu ka mid yahay in wax laga beddelo dastuurka wadanka u degsan(BBI).