Waxaa abaare 3:45 aroornimo ee maanta geeriyooday John Serut oo horay baarlamaanka ugu matali jiray shacabka deegaanka Mt.Elgon ee ismaamulka Bungoma.
Siyaasigan hore ayaa ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.
Gabadhiisa oo lagu magacaabo Michelle Serut ayaa warbaahinta u sheegtay in cudurka kansarka uu galaaftay nolosha aabaheed.
Waxaa uu xildhibaan soo noqday labo mar ka hor intii uunan doorashadii 2017-kii loolanka kaga adkaan Fred Kapondi.