Kenyaanka oo lagu boorriyay inaynan dhigin afxirka

0
378

Iyadoo waddamo badan oo caalamka ka mid ah ay fududeynayaan xayiraadaha lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID-19 ayay wasaaradda caafimaadka ee dalka sheegaysa in weli halista cudurka ay jirto.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Rashid Aman ayaa dadweynaha kula taliyay inay si joogto ah u sitaan afxirka si ay uga badbaadaan isqaadsiinta caabuqa.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ka wasaarad ahaan sii wadayaan dadaallada ay kula tacaalayaan faafitaanka fayraska oo ay tallaal bixintu ka midka tahay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay gudaha wadanka laga diiwaangelinayay xaaladaha cudurka oo u muuqda kuwa hooseeya.
Hasa ahaate madaxa fulinta ee hay’adda Amref Dr. Githinji Gitahi, ayaa sheegaya in la joogo xilligii la fududeyn lahaa xeerarka u degsan isticmaalka maaskarada.