Kenya oo saaxiibada horumarka u xaqiijisay in doorashada guud ay noqon doonto mid nabad ah

0
430

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’i ayaa sheegay inay kulan la qaateen wakiillada hay’adaha iyo dowladaha Kenya ka caawiyo dhanka barnaamijyada horumarineed.
Shirkan ayaa muddo labo sano gudahood ah qabsoomay markii ugu horreysay cudurka COVID-19 awgii waxaana sidoo kale ka qayb galay wasiirka isgaarsiinta Joe Mucheru iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Ambasadoor Macharia Kamau.
Wasiirka ayaa dowladaha kale ee caalamka u xaqiijiyay inay ku dadaalayaan sidii 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan ay Kenya uga dhici lahayd doorasho guud oo nabad ah.
Saaxiibada dalka ee dhanka horumarka ayaa xusay inay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay ku bixinayaan sidii looga hor tagi lahaa rabshado la xiriira codeynta iyo marka la soo gabagabeeyo ka dib.
Sidoo kale waxay ballanqaadeen dardargelinta barnaamijyada dib u soo nooleynta dhaqaale maadaama caabuqa corona uu saameyn baaxad leh ku yeeshay wax soo saarka wadanka.