Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay shaqaaqo Xalay ku dhexmartay Daljirka Daahsoon Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ilaalada Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Warka Soo baxay Wasaaradda amniga Gudaha Soomaaliyaa ayaa lagu sheegay in Malleeshiyaad hubaysan ay Xalay saacadda markay ahayd 1-dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kuwas oo markii hore sheegay inay weerar ku yihiin Fariisimaha Ciidanka sida hadalka wasaaradda arrimaha gudhaa lagu yiri.
Dhanka kale Xubnaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday Hoteelka Maa’ida oo ay daganaayeen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya waxayna Tilmaameen in Ujeedka weerarku ahaa in la Caburiyo shacabka Soomaaliyeed oo dhigi lahaa banaanbax nabadeed.
Afhayeenka Mucaaradka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday Hoteelka ay daganaayeen isagoo Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay wixi Xalay Muqdisho ka dhacay.
Dhamaan Xubnah Midowga Musharaxiinta oo Shirar Jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay shaqaaqadii Muqdisho ka dhacday.
Xassan Sh Maxamuud, Shariif Sh Axmad,Xassan Cali Khayre,C/kariim Xuseen Guulleed iyo C/raxmaan C/shakuur ayaa dhamaantood dowladda eedaymo ujeediyay waxayna sheegeen in goobtii ay ku sugnaayeen la soo weeraray.
Shariif Sh Axmed ayaa wixii Xalay ka dhacay Muqdisho Nasiib darro ku Tilmaamay wuxuuna shacabka ugu baaqay inay banaanbaxa u soo baxaan oo ay shacuurtooda muujiyaan.
Xassan Cali Khayre Ra’iisul wasaarahihii Hore ee Soomaaliya ayaa isna sheegay in wixii Xalay Muqdisho ka dhacay ay ahaayeen wax ay Bilooyin ka hor ka digeen oo ka dhashay doorasho la’aanta dalka Soomaaliya.
Ciidanka Ammaanka dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa guud ahaan xiray waddooyinka ugu muhiimsan ee Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay joojiyeen dhammaan isku socodka dadweynaha ee Waddooyinka Magaalada.
Shacab ayaa loo diidayinay u gudbaan dhanka taalada dalka jirka Dahsoon oo ay horay Mucaaradku u sheegeen inay maanta banaanbax ku qabanayaan.
Midowga Musharaxiint ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in maanta xoog lagu baajiyo banaanbixii ay ku baaqeen loona baahan yahay in shacabka loo furo wdadooyinka.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in banaabaxa la doonayo inuu dhaco.
Ciidanka dowladda ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala taalada daljirka Dahsoon mana jirto cid Maanta loo ogolyahay inay gudaha u galaan Daljirka daahsoon.