Haweeney loo xiray qorsho dhallinyaro looga dhacay 1.2 milyan oo shilin

0
463

Saraakiisha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Kiambu ayaa gacanta ku dhigay haweeney 61 sano jir ah oo lala xiriirinayo xeelad afar dhallinyaro ah looga dhacay 1.2 milyan oo shilin.
Dhallinyaradan oo loo sheegay inay fursad u helayaan ku biiridda waaxda asluubta ee dalka ayaa lacagtan bixiyay ka dib markii lagu khiyaanay warqado shaqaaleysiin oo been abuur ah.
Warbixinta booliska ayaa muujinaysa in Nancy Nyawira, Moses Gitau, John Kebaso iyo Mercy Wambui ay bixiyeen lacag caddadkeedu yahay 1.2 milyan .
Lacagta ayay ku wareejiyeen nin magaciisu lagu sheegay Benson Ng’ang’a oo hadda dhuumaaleysanaya.
Benson oo iska dhigaya inuu ka howlgalo xarunta dhexe ee waaxda asluubta ee magaalada Nairobi ayaa da’yarta ka dhaadhiciyay inuu u fududeyn karo sidii ay tababar ugu qaadan lahaayeen xarunta ku taalla deegaanka Ruiru.
Dhallinyarada ayaa ka dib markii ay ogaadeen in la khiyaanay cabashadooda u gudbiyay laamaha ammaanka.
Haweeneyda la xiray oo hadda ciidamada ka caawinaysa baaritaannada ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin ayaa lagu eedeynayaa inay ku lug lahayd isku xirka Benson Ng’ang’a iyo da’yarta shaqo doonka ahaa ee si farsameysan hantida looga qaatay.