Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa kuwo wareersan ku tilmaamay musharraxiin ballanqaaday in haddii ay ku guulaystaan madaxtinimada wadanka ay meesha ka saari doonaan manhajka cusub ee tacliinta ee CBC.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiintan aynan muujin niyad wanaag la xiriira in ugu yaraan 6 milyan oo arday ah ay hadda adeegsanayaan nidaamkan.
Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyaha xisbiga Ford-Kenya Moses Wetangula iyo dhigiisa ANC Musalia Mudavadi ay sheegeen in doorashada guud ka dib aanan loo baahan doonin nidaamka sida ay hadalka u dhigeen culeyska ku keenay waalidiinta.
Hoggaamiyaashan ayaa ku doodaya in la dedejiyay hirgelinta manhajka cusub ee waxbarashada dalka.
Hasa ahaate wasiirka tacliinta ee Kenya Prof. George Magoha ayaa xusay inaynan marnaba macquul ahayn in dib looga laabto hannaanka dhaqan galay.
Madaxda siyaasadeed ayuu ku boorriyay inay aad uga fiirsadaan ka hadalka waxyaabaha aysan aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u lahayn.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la rajeynayo in tirada ardayda dhigta dugsiyada sare ee waddanka oo hadda ah 4.3 milyan la gaarsiiyo 6 milyan.
CBC ayaa ah hannaan waxbarasho oo la rumeysan yahay inuu ardayda xilli hore ka soo dhisaya dhanka xirfadaha marka loo barbardhigo 8-4-4 oo ay ardayda inta badan diiradda saaraan sidii ay natiijooyin wanaagsan uga soo hooyn lahaayeen imtixaannada.