Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Charles Keter ayaa maanta si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu ka hayay dowladda dhexe.
Waxaa uu doonaya in 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan uu ka mid noqdo musharraxiinta u tartami doono jagada barasaabka ee ismaamulka Kericho .
Keter oo golaha wasiirrada ee maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta ku biiray bishii 12-aad ee sanadkii 2015-kii ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee xafiiska banneeya si uu xil siyaasadeed ugu tartamo.
Go’aanka uu maanta qaatay wasiir Keter ayaa waxaa dareenkooda ku aaddan muujiyay shacabka dowlad deegaanka Kericho.
Xeerarka doorashooyinka ee Kenya ayaa dhigaya in shaqaalaha dowladda ee leh hami siyaasadeed looga baahan yahay inay ugu yaraan 6 bilood ka hor xilliga doorashada guud ay iska casilaan xilalka ay dadweynaha ugu adeegaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa afar wasiir la filayo inay berri is casilaan maadaama 9-ka bisha labaad ee Febraayo ay tahay muddada kama dambeyska ah.
Tallaabada uu qaaday wasiirka dowlad wadaajinta Charles Keter ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale maxkamadda racfaanka ay ayidday sharciga qeexaya in shaqaalaha dowladeed ee xilal doonka ah ay is casilaan 6 bilood ka hor codeynta guud.
Waxaa go’aankan maanta oo Talaado ah soo saaray xaakinnada kala ah Daniel Musinga ,Wanjiru Karanja iyo Agnes Murgor .
Bishii saddexaad ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii garsoore Njagi Marete uu sharci darro ku tilmaamay oo uu waxba kama jiraan ka soo qaaday farqada 5-aad ee qaybta 43-aad ee xeerarka doorashooyinka hasa ahaate maxkamadda racfaanka ayaa taasi laashay.