Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare ayaa sheegay inay ka maamul ahaan qaati ka taagan yihiin maandooriyaha khamriga oo si wayn loogu iibinayo meelo ka mid ah Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in daroogada Khamriga ugu badan uu Gobolka Mudug kasoo galo dhinaca dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya, wuxuuna ku baaqay labada Shacab ee Gobolka Mudug & dowlad deegaanka inay ka hortagaan mandooriyahan.
Waxaa uu uga digay dadka ku nool deegaannada Gobolka Mudug isticmaalka iyo ka Ganacsiga maandooriyaha Khamriga, isaga oo amray in la toogto qofkii lagu qabto khamriga.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka arrimiya Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay dagaal kula jireen maandooriyaha khamriga, iyaga oo howlgallo ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen khamri farabadan iyo dadkii ka Ganacsanayay.
Home Wararka Soomaaliya Maamulka Puntland oo sheegay in la tooganayo qofkii maandooriyaha Khamriga lagu qabto