Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu dhawaan socdaal ku tago gobolka galbeedka ee wadanka.
Mr. Kenyatta ayaa halkaasi xariga uga jari doono dhowr ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ay hirgelisay dowladda dhexe.
Wasiirka gaashaanshigga ee Kenya Eugene Wamalwa ayaa laga soo xigtay in sanadkii hore la qorsheeyay socdaalka madaxweynaha ee galbeedka balse dib loo dhigay cudurka COVID-19 awgiis.