Madaxweynaha Faransiiska oo toddobaadka dambe tagaya dalka Ruushka

0
834

Madaxweynaha wadanka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu isbuuca soo socdo gaaro dalka Ruushka.
Socdaalkiisa ayaa lagu sheegay dadaalkii ugu sarreeyay ee hoggaamiye reer galbeed ah uu ku bixinaya hoos u dhigidda xasaradda u dhexeysa xukuumadda Moscow iyo dowladda dariska la ah ee Ukraine.
Emmanuel Macron ayaa Isniinta gaari doono Moscow si uu wada hadal ula yeesho madaxweynaha dalkaasi Vladimir Putin.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan maanta ka soo baxay xafiiskiisa.
Waxaa uu Macron safarkiisa Ruushka ka dib u sii gudbi doonaa dalka Ukraine si uu kulan ula qaato dhigiisa dalkaasi Volodymyr Zelenskyy.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping ay ku kulmeen magaalada Beijing.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa is barbar socday dadaallo dibloomaasiyadeed iyo hanjabaado la doonayo in looga hor tago duullaan la aaminsan yahay in dowladda Ruushka ay la damacsan tahay Ukraine.
Tuhunka ka dhanka ah Moscow ayaa yimid ka dib markii meel u dhow xadka ay la wadaagto Ukraine ay gaysay in ka badan 100,000 oo ciidan in kastoo ay beenisay inay duullaan qorsheynayso.
Ruushka ayaa dowladda Maraykanka iyo gaashaanbuurta NATO ku eedeysay hoos u dhaca dhanka amniga ee gobolka.