DHAGEYSO:Maxkamad dambi ku weysay wariye Coldoon, balse xabsiga kusii jiri doono

0
875

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Xukunka ay saaka maxkamadda soo saartay ayaa ka dambeeyay ka dib kiis muddo dheer soo socday.
Qareenka u doodayay wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo lagu magacaabo Jamaal Mandeela ayaa sheegay in Cabdi Maalik lagu soo eedeeyay 5 fal dambiyeed balse maxkamaddu caddeyn ku weysay, islamarkaana ay soo dhaweynayaan go’aanka maxkamadda una arkaan mid cadaalad ah.
Waxaa uu qareenka warbaahinta faahfaahin ka siiyay go’aanka maxkamadda

Balse xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka ay maanta maxkamadda gaartay.
Cabdi Maalik ayaa xabsiga ku sii jiri doona tan iyo inta go’aan laga gaarayo racfaanka xeer ilaalinta.
Booliiska Somaliland ayaa wariye Coldoon xiray bishii Sideedaad ee sanadkii hore.
Waxaa ka mid ah eedeymaha loo soo jeediyay wariye Coldoon:
1:in uu bartiisa Facebook-ga uu ku faafiyay warar dacaayad iyo been abuur ah oo ka dhan ah iskuulka Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo ee magaaalda Hargeysa.
2: Qodobka kale ee lagu soo oogay Cabdimaalik ayaa sido kale ahaa in dacaayad qaran dumis ah uu fidiyay.
3: Dacwadda kale ee lagu soo oogay Cabdimalik in uu cambaareeyay umadda Soomaaliland iyo qaranimadeed.
Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale loo xiray, waxaana marar badan lagu kala xukumay xukunno kala duwan oo xabsi ah.