Shir ay isugu yimaaddeen Wasiirada Wasaaradaha qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka COVID19 oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha JFS Maxamad Xuseen Rooble Warbixin dhammaystiranna lagaga dhegeystay bahda caafimaadka oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Caafimaadka dalka Soomaaliya Foosiya Abiikar Nuur iyo khabiirka caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo xaqiijiyey in cudurkii COVID-19 oo si xowli ah ugu fidiyo bulshada.
Sidoo kalena ay tixgeliyeen baaqyada isdaba joogga ah ee ka soo baxaya qaybaha kala duwan ee Bulshada sida culuma u diinka, ganacsatada, bahda Waxbarashada, aqoon yahanka, indheer garadka, haweenka iyo dhallinyarada, Isla markaana ay la tashadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo.
Waxa ay xukuumaddu soo saartay amaradan:
1: In dhamaan la fasaxay Shaqaalaha dowladda marka laga reebo kuwa muhiimka u ah Shaqada.
2: In Shaqaalaha & dadka kale ay xirtaan afxirka ee ( MASKA) sidoo kalena ay badiyaan kala foganshaha.
3: In la yareeyo isku socodka dadka sida safarrada, sidoo kale masaajidda lagu dadaalo kala foganshaha iyo xirashada afdaboolka.
4: Dhamaan Ciidamada Ammaanka ayaa lagu amray inay fuliyaan go’aanada kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Qoddobka ugu muhimsan oo dadka Soomaliyeed ay isha ku hayeen ayaa ah kan ku saabsan mamnuucida isku soo baxyada maadaama Musharixiinta mucaaradka ay qorsheeyeen in maalinka Jimcaha in la qabto banaanbax looga soo horjeedo Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Xukuumadda federaalka soomaaliya oo mamnuucday isku imaatinka dadweynaha si loo yareeyo faafitaanka...