Mashruuca ay dhagax dhigtay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland ayaa lagu naleynayaa labada magaalo ee Xarfo iyo Cagaaran.
Axmed Saciid Qolombi wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland oo hadal ka jeedinayay munaasabadda dhagax dhigga ayaa u mahadceliyay deeq-bixiyeyaasha oo ah boqortooyada Norway.
Waxa uu sheegay in faa’iido weyn uu u yeelanayo bulshada magaalooyinka Xarfo iyo Cagaaran ee gobolka Mudug. Labada magaalo ayaa leerarka cadceedda ku shaqeeya ka kala helaya 30 Xarfo ah iyo 20 Cagaaran ah.
Duqa magaalada Xarfocl Cabdulqaadir Cumar Jeylaani iyo guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur, oo bogaadiyay hirgelinta mashruucan, ayaa waxa ay carrabka ku adkeeyeen in uu wax badan ku kordhinayo dhinacyada dhaqaalaha, amaanka iyo isu socodka bulshada gobolkiisa.
Waxa ay dadweynaha kula dardaarmeen in ay ilaashadaan raagidda mashruuca leerarka, iyagoo dhinaca kale ku gooddiyay in xabsi la dhigi doono ciddii ku xadgudubta.
Qaar ka mid ah dadweynaha magaalooyinka mashruuca naleynta laga fulinayo oo u warramay warbaahinta Star ayaa rajo wanaagsan muujiyay. Waxa ay sheegeen in ay u mahadcelinayaan dowladda federaalka Soomaaliya, dowladda Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha boqortooyada Norway.
@norwayinsomalia