Waaxda garsoorka ee dalka oo Midowga Yurub ka heshay 4.5 bilyan

0
509

Waaxda cadaaladda ee dalka ayaa heshay lacag dhan 4.5 bilyan oo shilin oo uu ugu deeqay Midowga Yurub.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa dhaqangelinta wajiga labaad ee awood siinta dhanka sharciga iyo bixinta gargaarka ee Kenya ee loo yaqaano (PLEAD II ).
Qaybta labaad ee mashruucan ayaa billaabanaya sanadkan gudihiisa waxaa uuna socon doonaa ilaa sanadka 2028-ka.
Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo xeerarka amni Josep Borrell ayaa sheegay in fulinta wajiga labaad ee barnaamijkan diiradda lagu saari doono sidii loo qalabeyn lahaa hannaanka garsoorka ee wadanka.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in waaxdu ay la dagaalanto musuqmaasuqa iyadoo adeegsanaysa tiknolojiyadda dijitaalka ah.
Waxaa uu sheegay in bilooyinka soo socdo waaxda garsoorka ee Kenya EU, UNODC, UNDP iyo ururrada bulshada ay ka wada shaqeyn doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa dagaalka ka dhanka ah falalka wax isdaba marinta.
Xilli isaga iyo madaxa cadaaladda ee Kenya Martha Koome ay warbaahinta kula hadleen maxkamadda a Makadara ee magaalada Nairobi ayay sheegeen in la fududeyn doono helidda adeegyada cadaaladda.
Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa dhankeeda sheegtay in wajigii koowaad ee barnaamijka uu dhaqaalaha ku taageeray Midowga Yurub laga fuliyay 12 ka mid ah ismaamullada wadanka.