Wasiirka amniga Soomaaliya “Sahayda Iyo saanadda ciidanka la geeyay Beledweyne cid gaar ah ayaa bixisay”

0
860

Wasiirka wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa si faahfaahsan kaga warbixiyay shirkii Shalay ay yeesheen Golaha wasiirrada iyo arrimaha la xariira Ciidankii la geeyay Magaalada Beledweyne.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Beledweyne aysan jirin cid kala tashatay wasaaraddiisa, sidoo kalena aysan waxba ka ogeyn.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in Ciidanka la geeyay Halkaasi ay sahaydooda iyo dhammaan qarashaadkooda ay bixiyeen shakhsiyaad gaar ah, taasi oo uu sheegay in shaki wayn ay abuurtay u jeedka saxda ah ee Beledweyne loo geeyay Ciidankaasi sida aadka ah u hubeysan.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrimaha ku aaddan Suuqa Bakaaraha oo dadka ganacsatada ahaa ay xireen goobahooda ganacsiyada, waxaana uu intaasi ku daray in tallaabo degdeg ah ay qaadi doonaan, isagoo xusay in Mas’uuliyiintii ammaanka suuqa shaqada ku lahaa lala xisaabtami doono.
Shalay ayay ahayd markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Rooble ay amar ku bixiyeen in dib loo soo celiyo Ciidankii la geeyay Beledweyne, kuwaasi oo wasaaradaha Dowladda ay sheegen in aysan waxba kala socon Ciidankaasi.