Iskuduwihii hore ee dowladda dhexe u qaabilsanaa gobolka Rift Valley ,George Natembeya ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbiga Democratic Action Party of Kenya ee (DAP-K).
Sidoo kale waxaa xisbigan ku biiray qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulka Trans Nzoia sida wakiilka haweenka ee dowlad deegaankaasi Janet Nangabo oo horay uga tirsanayd Jubilee.
Mr. Natembeya oo doonaya inuu u tartamo xilka barasaabka ismaamulka Trans Nzoia ayaa shaqadii uu dowladda dhexe u hayay muddo 26 sano ah iska casilay 12-kii bishan.
Waxaa mas’uuliyiintan xisbiga DAP-K ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay wasiirka gaashaan dhigga ee dalka Eugene Wamalwa.
George Natembeya ayaa ku baaqay in laga gudbo siyaasadda ku saleysan kicinta dadweynaha oo lagu tartamo afkaarta dhanka horumarka ah.