Golaha la tacaalidda duumada oo la magacaabay

0
552

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa soo dhisay gole loo xilsaaray soo afjaridda cudurka duumada ama malaariyada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in golahan uu yahay midkii shanaad ee qaaradda Afrika.
Mr. Kagwe ayaa sheegay in cudurka COVID-19 uu saameyn ku yeeshay la dagaalanka duumada.
Kiisaska ugu badan ee cudurka duumada gudaha dalka ayaa laga diiwaangeliyay ismaamullada Siaya iyo Busia.
Wasiirka ayaa dhanka kale heegan sare geliyay dowladaha ismaamullada isagoo xusay in laga cabsi qabo in Kenya uu soo gaaro faraca cusub ee caabuqa corona ee laga soo tabiyay dalal ay ka mid yihiin Koonfur Afrika iyo Ingiriiska.