Xayiraad saameysay duulimaadyada Kenya oo meesha laga saaray

0
443

Duulimaadyada dalkani Kenya ayaa hadda si rasmi ah u tagi karo dalka isu tagga imaaraadka carabta ee UAE.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda wadankaasi ay meesha ka saartay xayiraad ay horay u dul dhigtay safarrada uga imaanayay dhanka Kenya.
Imaaraadka ayaa tallaabadaasi u aaneeyay shahaadooyin la xiriir baaritaannada cudurka COVID-19 oo lagu sheegay kuwo been abuur ah.
Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii ay dowladda Kenya ka laabatay go’aan ay horay u qaadatay oo ay kaga falcelinaysay in duulimaadyadeeda laga xayiray imaaraadka.