Saadaq Joon oo maanta loo doortay xildhibaan golaha shacabka Soomaaliya

0
763

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#248 ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo doorashadiisu saaka ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug.
Janeraal Saadaq ayaa helay 81 cod halka Cabdullaahi Xersi Diirshe oo la tartamayay uu helay 17 cod, waxaana halaabay laba cod.
Kursigan uu maanta ku guuleystay Janeraal Saadaq Cumar Xasan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Maxamad Axmad Abtidoon.