DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in aysan ka warqabin ciidamada la geeyaay Beledweyne

0
647

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukumadda Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax, oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Ra’iilsul wasaare Maxamad Xuseen Rooble aysan ka warhaynin ciidamada la geeyay Beledweyne.
“Markii aan iska wareysanay aniga iyo Ra’iisul wasaaraha waxaan isla garanay in war ay xukuumadda kasoo saarto, lana qaado tallaabooyin ku habboon” ayuu yiri Jeneraal Mukhtaar.
Jeneraalka Mukhtaar oo qudhiisa reer Hiiraan ah ayaa ka barbar hadlayay siyaasiyiin iyo xildhibaano hore oo shir jaraa’id qabtay, kuwaas oo walaac ka muujiyay ciidamada Harmacad iyo Gorgor ee shalay la geeyay Beledweyne oo ay weli ka taagantahay xiisad.

Dhanka kale dadkii shirka jaraa’id ka hadlay waxaa ka mid ah Cabdullaahi Sanbaloolshe oo horey usoo ahaa taliyaha nabad sugidda Soomaaliya, wuxuuna eedeeyay Jeneraal Biixi oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo uu sheegay in uu xoog ku haystay gobolka Gedo, haddane uu Hiiraan qabsanayo, waa sida uu hadalka u dhigay.
Xiisadda Beledweyne ayaa weli kacsan, iyada oo ciidamada ay dowladda diyaaradaha ku gaysay ay gudaha u galeen magaalada oo ay horay u sii joogeen ciidamo gadoodsan.