Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta, madaxa xisbiga ODM ,Raila Odinga iyo cid kasta oo ka mid ah guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI inay ka shaqeyso sidii deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa labo deegaan looga dhigi lahaa.
Waxaa uu Ducaale soo jeediyay in si lagu xusuusto Alle ha u naxariistee senatar Maxamad Yuusuf Xaaji ay khasab tahay in deegaanka Ijara la kala qaybiyo .
Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka dalka ayaa sheegay in tani ay tahay rajada shacabka Garissa maadaama senatarka uu hoggaaminayay guddiga BBI , shaqooyin kala duwanna uu wadanka u soo qabtay.